Ololaha Wacyigelinta Dhibaateynta ee Soomaalida

HAB-DHISKA CADAALADA: Hab-Racca Cadaalada

The Diagram below maps out the judicial process from initial contact with the Police

The second tier of the diagram has links to more detailed information.

Click Here for Definitions Pertaining to the Legal System

Click on diagram to download it *.pdf format. adobe acrobat

Habraaca Maxkamada ee Daba Socda Xiritaan Dembi Fudud (Misdemeanor Arrest) oo ku Saabsan Dembi Dirir Qoys oo ka Dhacay Minneapolis

  1. Wacitaanka 911 & Sida ay Booliska Ilaalada ahi ugu Jawaabaan. Saraakiisha booliisku waxay ururiyaan xogta si ay u qoraan warbixin una go’aansadaan in ay jiraan cid la xirayo, eedaysanaha waxaa loo qaadaa Xabsiga Hennepin County, booliiskuna waxay markaa eedaysanaha ku dacweeyaan dambi. Damiinashaduna waxay ku go’an tahay lacag ah $2,400, laakiin garsooraha ayaa badin kara, dhimina kara.

  2. Maxkamad Horkeenida Koowaad Si Dacwada loo Oogo (Arraignment aka First Appearance). Dhibbanaha ayaa lala xiriirayaa si loo qiimeeyo amaankeeda ayna u go’aamiso waxa ay rabto ee la xiriira xabsiga laga sii deynayo eedaysanaha. Eedaysanaha waxaa loo sheegaa dacwadaha lagu soo oogay. Waxaa kale oo eedaysanaha loo magacaabaa qareen dadweyne haddii uu dhaqaale ahaan u qalmo. Xaakimka ayaa markaa go’aaminaya haddii eedaysanaha lagu haynayo xabsiga iyo haddii la sii daynayo. Garsooraha ayaa sidoo kale go’aaminaya xaalad kasta oo laga rabo in eedaysanuhu raaco inta kiiska go’aan laga gaarayo.

  3. Dacwad qaadida ka hor, sidoo kalena loo yaqaan PCPT. Dhibbanaha ayaa lala xiriirayaa dacwad qaadidu inta aysan dhicin ka hor si war kiiska ku saabsan looga helo, iyo si loo go’aansado sida ay jeclaan lahayd in kiiska loo xaliyo. Xeer-ilaaliyaha iyo garyaqaanka wax difaacaya ayaa ka wada xaajoonaya xallinta kiiska. Eedaysanuhu wuxuu bixinayaa jawaab ah in uu dambiile yahay ama in uusan ahayn dambiile.

  4. Dacwad Qaadida. Eedaysanaha waxaa loo tixgelinayaa in uu yahay dambilaawe ilaa inta laga xaqiijinayo in uu yahay dambiile. Sidaa darteed, xeer ilaaliyaha waa in uu u diyaargaroobaa in uu caddeeyo dembiga kiiska isagoo keenaya markhaati. Dhibbanaha waxaa laga yaabaa in looga yeero maxkamada si ay uga markhaati furto dacwad qaadida maxkamada.
  5. 1. Haddii kiiska la tuuro ama eedaysanaha dembi lagu waayo, markii dacwad oogostu dhammaato kadib, maxkamada dembiyadu kama qaadi karto talaabo dheeraad ah oo la xiriirta dacwadaas dirir qoys.

    2. Haddii eedaysanuhu dambiga in uu galay qirto, ama dacwad qaadida kadib lagu helo dambiga, eedaysanaha waxaa xukumi doona garsooraha, waxaana la gelinanyaa tijaabo.

Habraaca Maxkamada ee Daba Socda Xirtaan Dembi Culus (Felony Arrest) oo ka Saabsan Dembi Dirir Qoys kana Dhacday Minneapolis

  1. Wacitaanka 911 & Sida ay Booliska Ilaalada ahi ugu Jawaabaan. Saraakiisha booliisku waxay ururiyaan xogta si ay u qoraan warbixin una go’aansadaan in ay jiraan cid la xirayo, eedaysanaha waxaa loo qaadaa Xabsiga Hennepin County, kadibna booliisku waxay ku hayaan “PC hold”. Eedaysanaha “waxaa lagu haynayaa damiinasho la’aan” ilaa garsoore uu gooyo cadadka lacagta damiinashada.

  2. Baaritaanka Booliiska. Si baaritaan loogu sameeyo, kiiska waxaa loo dirayaa Qaybta Dirirta Qoyska (family violence unit) ee ka tirsan waaxda booliiska. Dembi baare ayaa kiiska loo xilsaarayaa, isagaana isku dayaya in uu waraysi la yeesho dhibbanaha iyo markhaatiyaasha. Waxyaalo caddayn ah oo muuqan kara sida sawiro muujinaya dhaawac, hub, diiwaano caafimaad ayaa la ururinayaa. Eedaysanaha waraysi ayaa isagana lala yeelanayaa. Dembi baaruhu wuxuu dib u eegayaa kiiska si uu u eego in uu gaarsiisan yahay heerka dacwadaha dembiyeed.

  3. Dib-u-eegid uu Sameeynayo Xafiiska Xeer Illaliyaha Hennepin County. Xeer ilaaliyaha ayaa go’aaminaya in caddaymaha la ururiyey ay xoojinayaan in uu kiiska noqdo dacwado dambi culus, haddii ay sidaas noqoto, wuxuu xeraynayaa ashtako dambi culus. Haddii aan la xerayn wax dacwado dambi culus ah, kiiska wali waa la isku dacweyn karaa isagoo ah dambi fudud. Haddii wax dacwad ah aan la xerayn, kiiskii dambigu waa dhamaaday.

  4. Maxkamad Horkeenidda Koowaad Si Dacwada loo Oogo (Arraignment aka First Appearance).

  5. Dacwad qaadida ka hor ama PCPT.

  6. Dacwad Qaadida.

    1. Haddii kiiska la tuuro ama eedaysanaha lagu heli waayo dembiga dacwad qaadida kadib, talaabo dheeraad ah oo la xiriirta dacwad dirir qoys lagu qaadi maayo maxkamada dacwadaha dembiyada lagu qaado.

    2. Haddii eedaysanuhu qirto in uu damiga galay ama dacwad qaadida kadib lagu helo dambiga, eedaysanaha waxaa xakumi doona garsooraha, waxaana la gelinanyaa tijaabo.

Habraaca Dacwad Oogida ee Daba Socda Warbixinta Booliiska ee Dambi Fudud (Misdemeanor Police Report) oo ka Saabsan Dembi Dirir Qoys kana Dhacday Minneapolis

  1. Wacitaanka 911 & Sida ay Booliska Ilaalada ahi ugu Jawaabaan. Saraakiisha booliisku waxay ururiyaan xog si ay u qoraan warbixin. Marka eedaysanaha aan si dhakhso ah loo xirin, haddii lagu soo helo muddo 12 saacadood gudahood ah wali waa la xiri karaa.

  2. Dib-u-eegida Kiiska Kiiska waxaa dib u eega xeer ilaaliyaha jooga Xarunta Adeegyada Xadgudubka Qoyska (Domestic Abuse Services Center), waxaana loo saarayaa baaritaan daba gal ah haddii loo baahdo.

  3. Dabagal uu Sameeyo Dembi Baaruhu. Dembi baaruhu wuxuu la xiriirayaa dhibbanaha si uu hadalo uga qaado, una ururiyo caddeymo muuqda. Dembi baaruhu wuxuu baaritaanka oo dhamaystiran u gudbinayaa xeer-ilaaliyaha si uu dib ugu eego.

  4. Go’aanka Dacwad Oogidda. Xeer-ilaaliyaha ayaa dib u eegaya caddaymaha si uu u go’aamiyo haddii ay jirto caddayn ku filan oo lagu xerayn karo dacwado dembi.

    1. Haddii dacwado la xerayn karo, ashtako ayaa la qorayaa, waxaana bilaabanaya nidaamkii maxkamada.

    2. Haddii wax dacwad ah la xerayn kari waayo, maxkmada dembiyadu talaabo dheeraad ah kama qaadi doonto.

Habraaca Dacwad Oogida ee Daba Socota Warbixin Booliis oo Dembi Culus (Felony Police Report) oo ka Saabsan Dembi Rabshad Qoys ka Dhacday Minneapolis

  1. Wacitaanka 911 & Sida ay Booliska Ilaalada ahi ugu Jawaabaan. Saraakiisha booliisku waxay ururiyaan xog si ay u qoraan warbixin.

  2. Baaritaanka Booliiska. Kiiska waxaa loo dirayaa Qaybta Rabshadaha Qoyska (family violence unit) ee ka tirsan waaxda booliiska si baaritaan loogu sameeyo. Dembi baare ayaa kiiska loo xilsaarayaa, isagaana isku dayaya in uu waraysi la yeesho dhibbanaha iyo markhaatiyaasha. Waxyaalo caddayn ah oo muuqan kara sida sawiro muujinaya dhaawac, hub, diiwaano caafimaad ayaa la ururinayaa. Eedaysanaha waraysi ayaa isagana lala yeelanayaa. Dembi baaruhu wuxuu dib u eegayaa kiiska si uu eego in uu gaarsiisan yahay heerka dacwadaha dembiyeed.

  3. Dib-u-eegid uu Sameeynayo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Hennepin County. Xeer-illaaliyaha ayaa go’aaminaya in ay caddaymuhu xoojinayaan in la sameeyo dacwado dambi culus, haddii ay sidaa tahayna, wuxuu xeraynaya ashtako dambi culus. Haddii aan la xerayn wax dacwado dambi culus ah, kiiska wali waa la isku dacweyn karaa isagoo ah dambi fudud. Haddii wax dacwad ah aan la xerayn, kiiskii dambigu waa dhamaaday.

  4. Go’aanka Dacwad Oogida. Xeer illaaliyaha ayaa dib u eegaya caddaymaha si uu u go’aamiyo haddii ay jirto caddayn ku filan oo lagu xerayn karo dacwado dembi.

    1. Haddii dacwado la xerayn karo, ashtako ayaa la qorayaa, waxaana bilaabanaya nidaamkii maxkamada.

    2. Haddii aan wax dacwad ah la xerayn, maxkmada dacwada demibyada talaabo dheeraad ah laguma qaadi doono.

*Warkan waxaa bixiyey: Michelle M. Jacobson, Kaaliyaha Qareenka Magaalada Minneapolis

© Copyright 2007 | Council on Crime & Justice