Ololaha Wacyigelinta Dhibaateynta ee Soomaalida

COUNCIL ON CRIME & JUSTICE: Taariikhda Mashruuca

"Camel Man" by Aziz Osman

Taariikhda Mashruuca

Bishii Otoobar ee 2005-ta ayey Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku waxay kaalmo lacageed (grant) oo ka timid dawladda dhexe guddoonsiiyeen, Guddiga Dembiyada iyo Cadaaladda oo loo yaqaan Council on Crime and Justice (CCJ).

Hay"ada CCJ, waxay lacagtaas u isticmaashay inay ku hirgeliyaan farriimo wargelin ah oo ka turjumaya dhaqaka iyo luuqada gaarka u ah dadka jaaliyada Soomaaliyeed.

Si haddaba ay u gaaraan ujeeddadan, CCJ waxay wadashaqeyn la sameysay Somali Justice Advocacy Center iyo Confederation of the Somali Community oo ay wehilso Lutheran Social Services Refugee Services Program, oo ah urur diin ku salaysan.

Waxaa intaa raaca in CCJ ay sidoo kale sameysay mashruuc la dheho Guddiga Tala-bixinta, Advisory Committee. Guddigan Tala-bixintu waxay bixiyaan xog kala duwan oo ku saebsan jaaliyada Soomaalida, sida arrimaha hadda ka jira bulshada iyo waxyaabaha loo maleynayo in ay sababeen in xubnaha jaaliyadu aysan wargelinin saraakiisha ciidanka ammaanka (booliiska) markii dambi dhaco ama aysan u isticmaalin adeegyada dhibbanaha dembiyeed.

Wadajir ayaa CCJ, Guddiga Talo-bixinta, iyo ururada ay wadashaqeeyaan waxay horumar weyn ka sameeyeen Ololaha Wacyigelinta Dhibaaytaynta Soomaaliyeed (Somali Victimization Awareness Campaign). Waxaa halkan hoose ku taxan guulaha ay gaareen:

1

Waxay qoreen ayna qaybiyeen Kaararka-boostada Soomaaliyeed ee Council on Crime and Justice. Kaararkani waxay ku qoran yihiin af-Soomaali iyo Ingiriisi labadaba, waxayna ka waramayaan doorka booliiska, xuquuqda dhibbanaha, iyo macluumaad ay heli karaan dhibbaneyaashu.

2
Waxay ka qaybqaateen kulamo ka dhacay Jaaliyada Soomaalida. Waxayna kaga hadleen kulamadaas jaaliyada walwalka laga qabo dhibaatooyinka dembiyada, waxaana ka soo baxay isku duwida in tallaabo laga qaado amniga nabadgelyada Village Market, oo ah suuq Soomaaliyeed oo aad caan u ah.
3
Waxay turjumeen foomamka Magdhawga Dhibbanaha Fal Dembiyeed, kuwaas oo kordhiyey wacyiga iyo dareenka jaaliyada Soomaalida iyo helitaanka kaalmooyin dhaqaale.
4
Teleefoon Dhibbane Fal Dembi Guud oo furan 24-ka saac (612-340-5400) oo u fidiya ageegya isugu jira u doodid, kaalmeyn, iyo turjubaano dhibbanayaasha falal dembi ee Soomaaliyeed.
5
Xayeesiisyo Suuqgeyn ah oo lagu sameeyo saxaafada warbaahinta Soomaaliyeed, sida Warsan Times Newspaper, Somali Resource Directory Nationwide, iyo Somali American Media Association (SAMA).
6
Waxaa la sameeyey website-kan loogu tala galay Dhibbaneyaasha Falal Dembi ee Soomaaliyeed si looga caawiyo xubnaha jaaliyada in ay wax badan ka ogaadaan nadaamka cadaaladda dambi yeed iyo in ay u noqoto qalab farsamo oo wax ka tara dhibaateynta.
© Copyright 2007 | Council on Crime & Justice