Ololaha Wacyigelinta Dhibaateynta ee Soomaalida

XUQUUQDA & MACLUUMAADKA DHIBBANEYAASHA FALAL DAMBIYEED:
Xuquuqda Dhibbaneyaasha Falal Dembiyeed

Haddii aad tahay qof dhibaato ay ka soo gaartay fal dambiyeed uu qof kale kuu geystay
oo ka dhacay Gobolka Minnesota, waxaad leedahay xuquuqda soo socota:

Xaq ayaad u leedahay in lagu ogeysiiyo wax yaabahan:

• Xog kasta oo ku saabsan heshiiska gorgortanka qirashada ama inkiraadda dambiga.
• Xaqa aad u leedahay in aad diido codsiga heshiiska la soo jeediyey, iyadoo hadal ah ama qoraal ah.
• Kiis dambiyeedka xallintiisa ugu dambeysa oo lagu sameeyaa muddo 15 maalmood oo shaqo gudahood ah oo ka dambeeya xukumida, siideynta ama kiis tuuridda.
• Isbedel kasta oo ku yimaada jadwalka waqtiga maxkamadu dhaceyso (dhibbane maxkamadu amartay ama laga codsaday in uu markhaanti furo).
• Codsi rafcaan kasta oo wali furan kaas oo uu la yimaado eedaysanuhu, sida xaqa aad u leedahay in aad tagto dooda hadalka ah ama dhegaysiga codsiga rafcaanka.
• Wax ka bedelka dacwada dambiilaha sida taariikhda, waqtiga, iyo goobta dib loogu eegayo • Siideynta, bedelka, ama dambiilaha oo ka baxsaday xabsigii ama meel kale oo lagu hayay.
• Xaqa lagu codsado khasaare gudid ama dalbasho magdhaw.
• Wax ka bedel kasta oo la damacsan yahay in lagu sameeyo xukunka dambiilaha oo ay ka mid yihiin taariikhda, waqtiga, iyo goobta dib loogu eegayo.
• Codsiga dambiiluhu ku dalbado in eedayntaas la qariyo si aysan dadweynuhu u arkin (codsiga waa in si qoraal ah loo soo gudbiyaa).

Xaqa aad u leedahay ka qaybgalka dacwad oogida, oo ay ka mid yihiin:

• Tegitaanka maxkamada lagu dhegaysanayo heshiiska qirashada ama inkirrida dambiga.
• Diidmada heshiiska qirashada ama inkirrida dambiga
• Tegidda dhegaysiga maxkamada
• Ogaysiinta maxkamada saameynta dembigu uu ku yeelanayo dhegeysiga maxkamada.
• Xukunka la soo jeediyey ama xalka ugu dambeeya ee maxkamada oo hadal ahaan ama qoraal ahaan loo diido. • Codsashada in dacwad qaadida la dedejiyo.
• Keensashada qof ku garab taagan marka uu socdo dhegaysiga ka horeeya dacwa qaadida.
• Fikrad ku darsiga la xiriira barnaamij dacwo-duwid ah oo maxkamada ka horeeya ee la soo jeediyay (dhibbaneyaasha dambiyo gaar ah kaliya ayuu khuseeyaa).
• Codsasho in maxkamadu dib u eegto tijaabo-gelinta dambiilaha haddii uu u gudanwaayo magdhowgii laga rabay sidii loogu xukumay.

Xaqa aad u leedahay in lagaa difaaco waxyeelo, sida:

• In lagugu sugo meel nabadgelyo leh oo ku dhextaal golaha maxkamada.
• In aadan cinwaankaaaga ku bixin maxkamada ay dadweynuhu dhegaysanyaan.
• Codsashada in ciidamada amnigu ay xafidaan aqoonsigaaga ama in laga xafido dadweynaha helitaanka macluumaadka haddii nabadgelyada ama hantida dhibbanuhu ay khatar ku sugantahay.
• In aan markhaati ahaan dembi faraha laguugu gelin.
• In cidda aad u shaqeysaa aysan ku ciqaabin (disciplined) ama aanay ku cayrin haddii maxkamada lagaaga yeero ama ay maxkamudu kaa codsato in aad markhaati furtid.
• In aad maxkamada ka codsatid in ay dambiilaha ku amraan in uu isku dhiibo in laga baaro in uu qabo fayraska keena cudurka HIV (Waa kiisaska la xiriira faraxumaynta oo kaliya marka dambiilaha dambiga lagu xakumo).
• In marka lagu daaweynayo aad cisbitaalka ka heshid war ku saabsan jirrooyinka faafa ee galmada la isugu gudbiyo (tani waxay khuseysaa kiisaska faraxumeynta).

Xaqa aad ku dalbatid kaalmo lacageed:

• In aad kaalmo lacageed ka heshid Minnesota State Reparations Board haddii dhibka laguu geystay uu sababay in dhaqaale kaa dhumo.
• In aad maxkamada ka codsato in ay amarto eedaysanaha in uu bixiyo magdhow si aad u heshid dhaqaalihii kaa dhumay.
• Codsasho in ay maxkamadu dib-u-eegto tijaabo-gelinta dambiilaha haddii uu bixinwaayo magdhowgii lagu amray.

Haddii aad tahay dhibbane dambi, aadna is leedahay xuquuqdaada waa lagu xadgubay, waxaad la xiriirtaa:

The Office of Justice Programs, Crime Victim Justice Unit ama wac 651-201-7310 ama 1-800-247-0390.
Haddii aad qabtid su’aalo la xiriira xuquuqdaada dhibbane dembiyeed, fadlan telefoonkan oo furan 24-ka saac 612-340-5400 kala xiriir Adeegyada Guud ee Dhibbanaha Dembi (General Crime Victim Services).

© Copyright 2007 | Council on Crime & Justice